Xaalada abaaraha

Baydhaba– Isagoo ku wehlinaya ergayga cusub ee madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay abaaraha oo booqashadiisii ​​ugu horreysay maanta ku tagay goobaha abaartu saameysay, sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada ee Geeska Afrika ayaa ka digay raja beel xun oo ku dhacda malaayiin Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta iyadoo ay sii kordhayso khatarta macluusha. 

“Xaaladda ayaa ah mid aad u daran: 7.1 milyan oo dad ah ayay saameyn doontaa xaaladan abaareed marka la gaaro dhammaadka sanadkan,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadannimadda, Adam Abdelmoula.

“Nasiib darro, ku dhowaad 1.4 milyan oo carruur ah ayaa sanadkan wajahaya nafaqo-darro ba’an, 330,000 ka mid ahna waxay u badan tahay in xaaladdooda nafaqo-darro ay ka sii dari doonto,” ayuu raaciyay.

Marka ay dhamaato bisha Maajo, si ku qoran warbixin dhawaaan uu soo saarey Xafiiska Qaramada Midoobey u Qaabilsan Isku-dubaridka Gargaarka Bini’aadannimo (OCHA), tiro dhan 6.1 milyan oo Soomaali ah ayaa ku waxyeeloobey xaalada abaareed ee deg dega ah. 771,400 oo ka mid ah dadkaas ayaa deegaanadooda ka soo barakacay deegaanadooda iyagoo baadigoobaya biyo, cunno iyo cows; inta badan dadkaas waa haween iyo carruur. Saadaasha mustaqbalka ayaa ka sii dartay.

Mr. Abdelmoula ayaa dadka kula hadlay kaamka barakacayaasha ee ADC ee ku yaala magaalada Baydhaba ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxa uu wehlinayey ergayga Soomaaliya ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabey dhammaadka bisha Maajo oo booqasho ku tagay kaam barakacayaal ku noolyihiin.

Majiro Roob Nagu Filan 

Hay’adda OCHA waxay sheegtay in intii lagu guda jiray Abriil ilaa bartamihii bishii Maajo ee sanadkan roobab fashiiq ah ilaa iyo mid dhexdhexaad ah ay ka da’een qeybo ka mid ah koonfurta, bartamaha iyo waqooyi-galbeed Soomaaliya, waxaana meelaha ka mid ah wadanka ka dhacay dabeylo iyo daadad.

Leave a Comment

Your email address will not be published.